KENYA: Qareenkii Doonayay inuu Guursado Gabadh uu dhalay Madaxweyne Obama oo Muslimay

0
593

Nairobi (Halsan) Felix Kiprono Matagei oo ah qareen u dhashay dalka Kenya, dhawaanna muujiyay xiisaha u ku doonaayo inuu ku guursado gabadha Curada ah ee uu dhalay Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ee lagu magacaabo Malia Obama ayaa la sheegay inuu horay oga baxay Masiixiyiinta hadna uu Muslim yahay.
Kiprono oo bilihii la soo dhaafay ka soo Muuqaday Warbaahinta Caalamka kaddib markii uu ku dhawaaqay Rabitaankiisa Guurka Gabadha Obama oo uu ugu yaboohay inuu yarad ahaan uga bixin doono; 150 neef oo iskugu jiro Ari iyo Lo’ – kalana ah; 50 Sac , 70 Ido iyo 30 neef oo Riyo ah oo uu ku Qiimeeyay aroosaddiisa rajada ee Malia Obama.
Wabaahinta Kenya qaarkood, ayaa maanta qoray in qareenkaan uu Diinta Islaamka qaatay sanadii 2012-kii, uuna ku Muslimay Masaajidka Jamiya ee ku yaallo bartamaha magaalada Nairobi ka dib markii Gabar Muslim ah oo ay saaxiibo ahaayeen ay u bandhigtay Diinta Islaamka.
“Waxaan diinta Islaamka qaatay sanadii 2012, anigoona ku Muslimay Masjidka Jamia ka dib markii gabar aan saaxiibo aheyn oo Muslim ah, ay ii soo bandhigtay Diinta Islaamka. Waxaana Muslim aan ahaa tan iyo waagaas”, ayuu u sheegay Warbaahinta Citizen.
Wuxuu intaas ku daray Qareenku sababta ku xambaartay inuu Shareecada Islaamka Qaato, isagoo yiri. “Marwada Diinta igu yeertay waxay lahayd qalbi wanaagsan, waxaana u suurto gashay iyada iyo dadka kale ee Muslimka ah in ay igu qanciyaan Islaamnimada, misna walaaltinimada. Sidaas darteed waxaan soo galay Diinta Islaamka.”
Sidoo kale, Felix Kiprono Matagei ayaa sheegay in markii uu muslimayloo bixiyay magaca Cadnaan Qureysh. isagoo xusay in muddo saddex sannadood kudhow uu baranayay Diinta Islaamka, welina uu aado fasallo Towxiidka lagu barto.
Mar la weydiiyay hadii uu la Soomay dadka kale ee Muslimiinta ah inta lagu jiray bishaan Barakaysan ee Ramadaan, ayaa Qareenku wuxuu ku jawaabay. “Waan Soomay, Waayo Waa shuruud diini ah oo aan marnaba lagu baxsaneynin. Waxan kaloo bartay Qur’aanka Kariimka oo qeyb wanaagsan ka qaatay nolosheyd Muslimka ah,” ayuu yiri, Qareenkaas oo bilihii la soo dhaafay si weyn u soo shaac baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here