WASIIRKII CIYAARAHA OO KU DHAWAAQAY INUU IS CASILAY, FAAH FAAHINA KA BIXIYEY SABABAHA KEENAY IS CASILAADIISA.

0
587

Hargeysa(Halsan):-Wasiirka wasaarada ciyaaraha somaliland Axmed Cabdi Kaahin ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey wasaaraadaasi.

Wasiirka ciyaaraha somaliland oo ay shabakada Hadhwanaagews khadka telefanka kula xidhiidhay ayaa waxa uu xaqiijiyey is casilaadiisa, waxaanu sheegay inuu buuxin doono boos uga banaan golaha wakiilada somaliland.

Wasiirka ciyaaraha oo ka hadlaya is casilaadiisa ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Maanta ayey igu dhalatay inaan iska casilo xilkii aan ka hayey xukuumada, waxaana ii taala xubin baarlamaanka ah oo aan buuxinayo, Madaxweynaha ii magacaabay inaan xukuumada ka mid noqdo  aad ayuu mahadsan yahay, laba sanadood ayaan la shaqaynayey  si fiican oo sharaf leh ayaan u wada shaqaynay, xubintii Baarlamaanka ah ayaan ku wareeyaa, sidaas darteed

waxaan iska casilay xilkii wasiirnimo ee wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska.”

Axmed Cabdi Kaahin, Wasiirkii hore ee ciyaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Wasaarada mar haddii aan ka tagayo waxba ka  caban maayo, nin rag ah ayaan ahay oo caban maayo wax kasta oo I soo gadhayna ka caban maayo, is casilaadayduna xidhiidh lama laha lacagtii qabashada ciyaaraha gobolada ee la sii dayn waayey,  ragaas is casilayna arintaydu xidhiidh lama laha waayo anigu meel ayaan ku socdaa oo waa la wada ogyahay, intii aanay iyaguna ku dhawaaqin is casiladooda ayaan khatar ugu jiray inaan is casilo, markii ay shaqadaydii socon wayday, hadana waan ka fiirsanayay, halkii uu xisbigu ahaana waan ahay, xilkiina waan iska casilay.”

Ugu danbayntiina wasiirka ciyaaraha somaliland uu dhalinyarada somaliland ee isku diyaarinaysa ciyaaraha gobolada ugu baaqay inay la shaqeeyaan masuulka danbe ee la magacaabi doono iyo wasaaradaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here