Xisbiga keliya ee Somaliland u hadhay waa Waddani by Abdi Mustafe

0
573

Waxaan muran ku jirin in Ucid iyo Kulmiye majaruhu ka lumay oo labaduba inta la lulay oo ruxay oo la gun-dhebay si fiican loo fuuqsaday. Nin baa neef saca lahaa oo caanihiisa biyo ku dari jiray dabeed suuqa u iib gayn jiray. Waagii danbe ayaa roob da’ay oo doox soo rog maday qaaday sacii. Wiil uu dhalay baa ku yidhi aabihii waxba ha ka xumaan biyihii aynnu caanaha ku daraynay baa biiray oo qaaday sacii e. Xisbiga Kulmiye ayaa sidaa ka dhigan oo denbigii iyo dulmigii madaxtooyada hadh iyo habeen laga soo maleegi jiray ayaa biiray biiray oo ku qarxay xukuumadiiba.Xisbiga Ucid Faizal oo wareersan oo wajaqsan baa gudoomiye ka ah wuxuuna ka dhigtaa NGO uu isagu iska leeyey weliba xukuumaduna had iyo jeer Faizal wey ku guuurtaa kolba lacag aan badnayn buu kaga soo qaataa sidii uu Ucid u burburin lahaa. Faizal waa awr heeryadii cunay iminkana doonaya in uu Xirsi iyo Mohamed Biixi mar labaad ka iibiyo. Faizal caqli xumida wuu ku soo dhashay ee Ucid oo baqtiday oo laga dareeray ayay Jamaal iyo A/rasheed soo nooleeyeen oo u hiiliyeen. The only good ucid is the one without Faizal. Hadaba labadaa xisbi calal bay noqdeen aan rasiin ahayn oo lufan uun baa ka hadhay ee wax jira maaha.
Xisbiga keliya ee giigsan ee nuur calaa nuurka ihi waa Waddani ee ha moogaan. Kulmiye iyo Ucid tartan lama geli karaan Waddani sidaa darteed ha khasaarin dookhaaga iyo cod kaaga xisbiga la isugu tegay waa Waddani Waddani Waddani Waddani Waddani Waddani Waddani Waddani Waddani Waddani Waddani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here