Labada Haween iyo Haybadii Qaranka( Q2)

0
879

Somaliland ; Qaran illaa Qoys-qoys!!!  Waxaan uga socdaa ,  markii hore waxaa laga hadlaayey Somaliland oo qabyaaladii kobocday  Cahdigan Silaanyo Ku sheegan yahay hogaaminta Qaranka . maantaa waxaan cadaynayaa in Qabiilkiina la iskala tagay oo ay Jilib-Jilib iyo qoys qoys  ay maraayso qabyaaladii dalku “   bal qisooyinka todobaadyadii u dambeeyey dalka ka dhacay illa wadaaga.  Waa dhaqano ka yimid Oday cashier Banka ka ahaan jirey balse hadda lagu magacaaabay Agaasime Guud !!. illeen dhaqamada dalka ka taagan waa la arkayaayoo Aqoon iyo waayo aragnimo xil la iskuma dhiibo .  waxaynu la mid noqonay uun Cahdigii AFWEYNE ogaadeen geela shalay  ka yimid ayuun baad arkaysay manta isaga oo xafiis dhan kasoo jeeda .

Arimo badan ayaan soo bandhigi doonaa balse aniga oo jecel inaan qoraalada idiin soo koobo maalinba qayb ayaan idiin soo dayn insha alllah.

Odaygii Baanka oo ah ninka agaasimaha guud ku magacaaban,  oo aan aad iyo aad uga xumahay inaan qalinka u qaato oo aan wakhti iska galiyo isaga oo aan u qalmin haddana waxaan ka fiirsan wayday inaan dadweynaha xusuusiyo kolay  war kuma seegane e  dhaqamada  shakhsiyaadka uu  Madaxweyne siilaanyo  iyo caailada ku xeerani  ay dalka iyo dadka usoo direen ee ay kusoo yidhaahdeen usoo adeega . waxaana uu ku bilaabay sidan “  waar maxaa lagaa siiyaa Ededay Muraayo garaad, ee aad maalin walba wax aad uga qoraysaa ,  miyaad taqaanaa waxaanu isku nahay . in badan ayaanu kuu dulqaadanay ……..!!

Waxaan ugu jawaabay “  adeer  anigu masuul qaran ayaan la hadlay oo kursi qaran ku fadhida ee ededaa gurigay joogtaaye ………………………!!!

Odaygii Baanka “   haddii aad askarow wax dambe naga qorto suuqaa la isku garaaci oo la isku dili ,  reer –reer bay noqon .  haddii aad islaantaa ededa ii ah dib aad wax uga qorto iyo islaantaa ay saaxiibada yihiin ee KHADIIJA MACALIN .  dagaal u diyaar garow .

F.G : haddaladaa foosha xun  ee qaranka lafjabka ku ah wakhtiga uu odaygaasi lahaa waxa dhinacyada ka taagnaa laba askari oo hubaysan iyo askari dhar cad ah oo uu sii diyaarsaday. Malaha waxa uu islahaa haddii……………………./

Gabagabadii,  qoraalkani waxa uu hordhac u yahay xogo badan oo aan idiinku soo gudbin doono si joogto ah.  Odaygan xilka uuna qaadi Karin dusha laga saaray ee aynu ognahay cida ku haysa meesha iyo cida uu u adeegayaayo , markaad hadaladiisaa aad dib u milicsato dee BAANKII QARANKU waxa uu noqday  BAKHAAR LABA NUUX  KU YAAL!!!!!!!    Waxa kale oo aan leeyahay  shacabkana  aan ku boorinayaa NABADGALYADEENA aynu illaashano waad arkaysaan halka ay qabyaaladii marayso iyo siday qoys-qoys ugu dhaadhacaday ………… .   ALLE HA SAHLO .

 

Cabdirasaaq Askar

Hargeisa/Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here