Madaxda Iiraan iyo Maraykanka Oo Ka Dareen Celiyay Heshiiska Nuclear-ka+ Dareenka Israel iyo Waddamada Carbeed

0
697

Hargeysa(Halsan)- Wada xaajoodkii u socday wadama isku magacaabay quwadaha dunida iyo Iiraan ayaa laga gaadhay Heshiis rasmi ah kadib markii wada hadalo la isku mari la’aa bilo badan socdeen.

Bilowgii kulankii ugu dambeeyay ee wasiirada arrimaha dibadda Iran iyo 6-da dal ee quwadaha adduunka ee Vienna, ayey madaxa siyaasadda Midowga Yurub, Federica Mogherini, sheegtay in heshiiska lagu arkay in diblomaasiyadda ay wax ka qaban karto xiisado tobanaan sanno taagnaa.

Dawladda Iiraan, ayaa laga qaadayaa Cunaqabataynta Dhaqaale ee caalamiga ah.waxaa laga qaadayaa cuno qabatayn saarnayd Shidaalkeeda, Lacago dibadda kaga xannibnaa, xayiraadda dhinaca cirka iyo badda iyo madaxdeeda.

Maraykanka ayaa sidoo kaleku niyadsan in la hakiyo tayaynta hubka Nuclear-ka Iiraan iyo in qaramada midoobay kormeeri doonto xarumaha militariga Dalka Iiraan.

Madaxweynaha Iiraan Xasan Rooxaani, ayaa khudbadu uu talafishanka dalkiisa ka jeediyay ku sheegay inuu soo dhawaynayo heshiiska oo ah kala duwanaansho aan muhiim ahayn oo la dhammeeyo “Heshiiskani wuu naga go’an yahay, haddii taariikhda dib loo eego qarankan Iiraan wuu ilaaliyaa heshiiska iyo balankasta oo uu galo. Shardigu waxa weeye in dhinaca kale uu ka go’naado” ayuu yidhi Mr Rooxaani.

Madaxweynaha Maraykanka Mr Obama, ayaa sheegay inuu isna soo dhawaynayo heshiiska, waxaanu sheegay inuu codka diidmada qayaxan u isticmaali doono diidhmo kasta oo Congress-ka dalkiisu kala hor yimaado heshiiska. Waxa uu sheegay in Maraykanku wada xaajood ka galay arrin adag haddana uu guul ka gaadhay mabda’a ah in la joojiyay Nuclearka Iiraan.

Wariyaha diblomaasiyada BBC-da ayaa sheegaya, inay u muuqato in Iran ay ogolaatay in baarayaasha Qaramada Midoobay ay xaqiijiyaan, meelmarinta hakinta howlaha Nukleerka Iran.

Ra’isal wasaaraha Israel ayaa heshiiskan ku tilmaamay khalad taariikhi ah oo ay sameeyeen dhinacyada heshiiska wada gaadhay.waxa uu ka soo horjeedaa in dalka Iiraan fursad loo siiyo samaysashada hubka Nuclear-ka.

Wadamada carabta gaar ahaana Sucuudiga ayaan sidoo kale la dhacsanayn in Iiraan laga khafiifiyo cuno qabataynta dhaqaale iyo tayaynta Nuclear-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here