Burco: Maxaa kala Qabsaday Xubnaha Hogaansha Ololaha Qabyaalad Diidka Somaliland iyo Duqa Degmada Burco?

0
654

Burco(Halsan):- Munaasibad lagaga hadlayay ololaha lagaga soo horjeeda qabyaaladda oo todobaadkii tagay ka qabsoontay Burco, ayuu Maayarka Burco Maxamed Muraad ka jeediyay hadal bedelay jihada iyo ku talagalkii munaasibadda islamarkaana shaki ku abuuray bulshada goobta ku sugnayd.

 

Maayarka ayaa Xubnaha ololaha qabyaalad diidka hogaaminaya ee ay hormuudka u yihiin Cabdikariin Axmed Mooge iyo Holdoor Barkhad Jaamac Batuun oo labadooduba dhawaan iska casileen xukumadda Siilaanyo waxa uu ku eedeeyay inay mucaarad ku yihiin Xukumadda islamarkaana Mucaaradku adeegsanayo.

 

“ Wuxuu yidhi hoosta ka sumuni dusha ka saddex gambo. Halkan caawa waxa iiga muuqda, Eesh-qiyaasak dusha ka sumuni hoosta ka saddex gambo oo xisbiyadii mucaaradka ahaa eenu is haynay  ayaa qabyaalad diidkii noogu soo gabaday ayaan u arkaa. Markaa raggii aanu xaggaasiyo xukumadda isku soo kaalufnay (Carabtu waxay ku maahmaahdaa Dacawadu si ay Adhiga u dhamayso waxay soo xidhatay dharkii(Khamiiskii) dadka dadka wacdiyaa xidhan jireen), waar caawa xisbiyadii aanu siyaasadda hoos ka tuurka lahayn ma anagay noo soo gashadeen khamiiskii qabyaalad diidka,” ayuu yidhi duqa Burco oo intaasi raaciyay inaan dadka qabyaaladda looga taag helayn, dhagihii Alle waaniyayna waansan yihiin.

 

Xildhibaan Cabdi Laki oo ka mid ah golaha degaanka Burco, islamarkaana qayb ka ahaa qabanqaabada munaasibaddan bulshada lagaga wacyi galinayay qabyaaladda ayaa intaasi kadib madasha ka hadlay isagoo dhibsaday hadalka guddoomiyahoodu masraxa ka yidhi, waxaanu sheegay in xubnaha ololaha wadaa ku yimaadeen dalab bulshada Burco uga yimid, balse aanay rabitaankooda ku iman.

 

“Ololahani mid Burco ka yimid ayuu ahaa, anaga ayaa ku nidhi ololihii aynu isku fikirka ka ahayn ayaynu qabanaynaaye noo kaalaya laakiin kumay iman inay iyagu ololihii wadaan. Waxaan ka xumahay in maayarku yidhaahdo shaadh baa naloo soo huwaday, malaha isagaa shaadh siyaasadeed noo huwadaye aniga iyo Cabdikariin ba Kulmiye ayaanu nahay laakiin, imika  Xisbi maynaan wadin ee wax Aafo qaran ah oo ina haysata ayaynu wadnay, aafo qaran sidaynu uga gudbi karnaa ayay ahayd, kulankaas ayaynu isugu nimid waanu ku xunnahay in kulankii uu inaga xumeeyay, xafladdahana waxay ahayd kuwii isagu soo dhawayn lahaa ee uu qaabili lahaa,markii uu qaabili waayay inuu yidhaahdo may ahayn shaadh baa naloo soo xidhay iyo miiska siyaasadda ayaynu isla tagi,” ayuu yidhi XIldhibaan Laki.

 

Xildhibaanku waxa uu sheegay inaanay kula socon maayarka aragtidiisa islamarkaana raali galin iyo xaal ay siinayaan xubnaha martida ku ahaa munaasibadda Burco lagu qabtay.

 

Cabdikariin Axmed Mooge, oo isna arrintan ka hadlay ayaa si cadho leh uga jawaabay hadalka Duqa Burco “Anigu Kulmiye ayaan ka mid ahay, cidda iga saaraysana garan maayo. Haddii Barkhad kaligii mucaarad yahay oo ololahana lagu tilmaamo mucaarad, dee anagana cay bay nagu tahay. Jaamac Muuse Jaamac waa aqoon yahankii Umadda, Maxamed Cumar wuxuu u ololeeyaa in dadku sinnaado oo xoroobo, in dadkaas la yidhaahdo qof qudha ayaa mucaarad ka dhigaya waa xaaraan. Barkhad nalama joogo isagoo afkaar  Waddani ah sida ee wuxuu nala joogaa isagoo doonaya caddaalad iyo sinnaan in bulshadu hesho,” ayuu yidhi Cabdikariin.

 

Waa markii u horaysay ee Ololaha qabyaalad diidka oo intii badnayd Hargeysa ka socday wajahayo dhaleecayn iyo in si kale loo turjumo iyadoo hore bulshadu u soo dhawaynaysay una arkaysay in dad aqoon leh oo qabyaalad diidku ka dhab yahay hogaaminayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here