Dadweynaha Reer Berbera Oo Sawaxan iyo Foori Kaga Fal-celiyay Salaantii Madaxweynaha iyo Waftigii Xukuumada Oo Waji Gabax Kala Huleelay.

0
956

“Berbera Jawigii goobta salaada ciida lagu tukanayay iyo wacdarahii ka dhacay isla goobta”
Mudooyinkii u danbeeyay waxa magaalada Berbera ka socday tartan iyo kala jiidasho dhanka bulshada oo lagu doonayay sidii taageero loogu heli lahaa mashruuca wareejinta haamaha shidaalka berbera oo Xukuumadu Sheegtay in ku wareejisay shirkadaha Ganacsatada ee keenta shidaalka.
Xukuumada ayaa Berbera u dirtay wafti ka kooban laba wasiir ku xigeen, W.ku xigeenka Xanaanada Xoolaha iyo W. ku xigeenka Warshadaha, oo halkaa kaga dhawaaqay in Xukuumadu awood u leedahay ka ariminta Haamaha cidii ay doontana ay siin karto ama ku wareejin karto, isla markaana la dhamaystiray heshiiska wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera ee u dhexeeyay Xukuumada iyo Shirkadaha Soo dajiya shidaalka, waxaanay shacabka, xisbiyada mucaaridka ah iyo cid kasta oo ka hortimaada heshiiskan ugu hanjabeen inay talaabo adag ka qaadi doonaan, islamarkaana ay xabsiga loo taxaabi doono hadii loo hogaansami waayo arintan.
Shacabka reer berbera oo ay u cuntami wayday fariintan ay sideen labadan wasiir ku xigeen, ayaa kor usii qaaday mabda’ii adkaa ee ay kaga soo horjeedeen in Haamaha la wareejiyo, inkastoo ay jireen Odayaal ay xukuumadu ka hadlisay oo sheegay inay xukuumada ku taageersanyihiin wareejinta haamaha shidaalka, hadana may noqon mid wax ka badasha dareenka diidmada ah ee shacabka reer berbera iyo xisbiyada mucaaridka ahi ayay kaga digeen in aanay marnaba ka aqbali doonin in xukuumadu si sharci daro ah u wareejiso shirkado macmal oo ay soo samaysteen.
Hadaba saaka iyo munaasibadii salaada Ciidul Fidrida oo si wayn looga tukuday magaalada Berbera ayaa waxa dadweynaha kala soo qayb galay tukashada salaada ciida wafti ka socda Xukuumada somaliland oo kala ahaa wasiir Kuxigeenka wasaarada xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi Iyo wasiir Kuxigeenka wasaarada Warshadaha Cali Axmed Maxamed(Cali Dhegoole), oo iyagu ahaa Labadii Wasiir ku xigeen ee ku hanjabay in xabsiga loo taxaabi doono hadii shacabka reer berbera ay ka hor yimaadaan rabitaanka xukuumadu ku doonayso in cid gaar ah lagu wareejiyo Haamaha Shidaalka Berbera. Waftigan ay Xukuumadu usoo dirtay ayaa fariin Hambalyo ah uga siday M/weyne Siilaanyo.
Intii aan salaada ciida la tukan ayaa makaroofnka lagu wareejiyay Wasiir Ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha (Cali Gadheer) si uu bulshada u gaadhsiiyo fariintii uu ka siday M/weyne Siilaanyo, laakiin waxa markaliya dadweynahii isla oogsadeen sawaxan, foodhi iyo hadalo kaga soo horjeedaan Wasiiradan. Goobtii salaada ayaa isu badashay qaab mudaharaada oo shacabku ku muujiyeen dareenkooda ay kaga soo horjeedaan hanjabaadahii ay bulshada ugu hanjabeen inay qasab ku taageeraan wareejin haamaha cidii ka hortimaadana xabsiga la dhigi doono. Talaabadan shacabka reer Berbera qaadeen ayaa waji gabax ku noqonaysa Xukuumada,Wasiiradiina looga dareeray goobtii ay Salaada lagu tukunayay, halkaas sawirka kasoo baxay wuxuu noqday “Nin Masraxii Uu Riwaayada Ku Matalayay, Mar Kaliya Daawadayaashii Ka Dareereen Oo Meel Madhan La Hadlay” Subxaanaka Yaa Cadiim…..
Dhanka kale Dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegaya in dhowaan uu soo gaadhay Musharaxa Xisbiga Ucid Jamal Cali Xuseen oo si adag uga hadlay arinta Haamaha Shidaalka, islamarkaa Bulshada Somaliland u sharaxay faa,iidada dhaqaale ee ay wadanka u leeyihiin haamaha shidaalku iyo qiimaha ay inagu joogaan Haamahu hadii la yidhaa cidbaa lagu wareejinaya, waxaanu soo bandhigay qiimayn uu isagu sameeyay maadaama uu yahay nin Banker ah oo dhaqaale yahan waxaanu ku qiimeeyay In Haamahu inagu joogaan 240 Milyan oo Dollar, isla markaa aanay macquul ahayn in xukuumadu tidhaa waxaanu ku wareejinaynaa 11 Milyan oo Dolar. Hadalkan oo si wayn u Baraarujiyay Shacabka Somaliland, Reer Berberana sii xoojiyay mawqifkoodii ay kaga soo horjeedeen in la wareejiyo Haamaha Shidaalka.
Hadaba tani waxay jawaab cad u tahay dareenka dhabta ah ee Bulshada Gobolka Saaxil ee Berbera ay kaga soo horjeedaan in sifo sharci daro ah loogu wareejiyo Shirkado gaara loo leeyahay oo qaar ka mid laga leeyahay Madaxtooyada. Mar hadii xaalku sidaa yahay bal ay ka dhur sugno waqtiga soo socda, waaqaca hor yaala iyo isku duubnida shacabka reer Berbera.

Mohamed Adan Gacayte
Falanqeeya Arimaha Siyaasada
Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here