War Deg-deg ah: Xukuumadda Siilaanyo Oo Xabsiga u Taxaabtay Weriye Soo-fadhiiste+Weriyyaaal kale oo Baadi-goob Loogu Jiro Sidii Xabsiga loo Dhigi laha Iyo Xiisadda Magaalada Berbera oo Kacsan

0
629

Berbera(Halsan):- Xukuumadda Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabtay Weriye Maxamed Cabdilahi Soo-fadhiiste oo ka hawl-gala Telefishanka Somali Cable sidoo kalena ah Tafaftiraha shabakadda Berberatoday.

Amarka xadhigga weriyaha ayaa waxa bixiyey Wasiirku xigeenka Xannaanada Xoolaha oo dhibsaday war maanta laga soo diyaariyey Munaasibaddii Ciidal-Adxaha, kaddib markii wasiirkuxigeennadu damceen inay dadweynaha Gobolka kala hadlaan goobtii lagu Cibaadeysanayey ay dadweynuhu gadood kaga dareen celiyeen.

Ciidammada amniga ayaa sidoo kale, baadi goob ugu jira Weriye Axmed Siciid oo isna ka hawl-gala Telefishanka Kalsan-TV.

Xadhiga wariye Soo-fadhiiste iyo baadi-goobka weriyayaasha kale, ayaa ka danbeeyey kaddib markii maanta ay ka soo duubeen Wasiirku xigeennada Xanaanada Xoolaha iyo Warshedaha, oo isku dayey inay shacabka reer Berbera kala hadlaan goobtii Salaada lagu tukanaayey. Iyadoo shacabkii madasha kula sugnaana ay gadood ka muujiyeen Hadalka wasiirku xigeennada, oo ku saabsana Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera oo ay Xukuumaddu awood ku wareejineyso.

Amarka xadhiga weriye soo fadhiiste iyo weriyaasha kale, ayaa la xadhiidhanaya qorshayaasha qalloocan ee ay Xukuumadda Siilaanyo ka waddo Gobolka Saaxil. Xadhiga Weriyaasha ayaa ka mid ah xadhiga iyo cago-jugleynta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Saxaafadda madaxa-banaan oo muddadii ay Xilka haysay caadeystay xadhiga xaqdarada ah ee Warbaahinta.

Waxa kaloo cirka mareysa xaaladda magaalada oo kacsan iyadoo shacab baadi-goobayo Wasiirku xigeenada Kubku sigoolayaasha ah ee qaska iyo foolxumada ka wada-magaalada Berbera, oo shacabkeedi gabi-ahaan-ba kasoo horjeedan Wareejinta Xaaranta ah ee Haamaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here