Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Bulshada Ka Tacsiyeeyey Marxuum Axmed Cabdillaahi Nadiif (JEEX)

0
522

Hargeysa(Halsan) :-Sida Lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Ayaa wuxu Bulshada Ka Tacsiyeeyey Marxuum Axmed Cabdillaahi Nadiif (JEEX). waxana qoraalkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhey shebekeddan Oodweynenews u dhigan yahay sidan:-

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, asxaabta iyo shacabka reer Somaliland geerida ku timi Marxuum Axmed Cabdillaahi Nadiif (JEEX) oo ku geeriyooday Hargeysa xalay, lana aasay maanta (24/09/2015.)
Marxuum Axmed Jeex oo ahaa aqoonyahan kaalin wayn ka soo qaatay dib-u-dhiskii hay’adaha dawliga ah ee Somaliland iyo horumarinta tacliinta, waxa uu ahaa macallin dugsiyada waxbarashada muddo soddon sanno ahayd, isagoo intii ka dambaysay la soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland ahaa agaasime waaxeed ka tirsanaa Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo ka hor intii aannu hadda geeriyoon hayey xilka Agaasimaha Waaxda Diiwaangelinta ururrada aan dawliga ahayn ee waddaniga ah (NGOs) ee wasaaraddaasi.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in aan la iloobi karin doorkii muhiimka ahaa ee Marxuumka ka soo qaatay horumarinta aqoonta iyo nidaamka dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaannu Ilaahay uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoysaska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin…. Aamiin…. Aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here