Reer Galbeedka Oo Diiday Qaraarkii Kitaabka Qur’aanka Ee La Gubay

0
174

Erdogan Oo Si Cadho Leh u Jawaabay Iyo Reer Galbeedka Oo Diiday Qaraarkii Kitaabka Qur’aanka Ee La Gubay

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo shir jaraa’id qabtay kadib shir-madaxeedka Hogaamiyayaasha NATO ayaa sheegay in ay tixgaliyeen weerarkii lagu qaaday Qur’aanka kariimka ah iyadoo lagu gubay afaafka hore ee masjid ku yalla dalkaasi.

Waxa uu yiri “Weerarrada goobaha lagu cibaadeysto waa wuxuushnimo, ee maaha xorriyadda fikirka Iyo hadalka.”

Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar muran badan dhaliyay oo ku saabsan naceybka diimaha, taasoo jawaab u ah dabkii bishii hore ee kitaabka Qur’aanka lagu gubay afaafka hore ee masjid ku yaalla dalka Sweden.

Qaraarka waxaa keenay Pakistan, oo sheegtay in dowladuhu ay ogolaadeen in si bareer ah loo waxyeelleeyo kitaabka Qur’aanka ee muslimiinta.

Qaraarkan waxaa ka soo horjeestay wadamada reer galbeedka oo ay ku jiraan Maraykanka, Ingiriiska, iyo wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Waxay sheegeen in ay aad ugu xad-gudbeen xorriyadda hadalka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here