Dhimasho iyo Dhaawac Badan Oo Ka Dhashay Is-Cidhiidhi Ka Dhacay Xajka

0
571

Makka(Halsan) :- Ugu yaraan 717 Xaaji ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday Xajka sida ay sheegtay waaxda difaaca shacabka ee Sucuudiga. Guddida difaaca shacabka ayaa sidoo kale sheegay in 450 qof ay ku dhaawacmeen is-cidhiidhiga dhacay maalinta Ciidal Adxa.

Waaxda difaaco waxay sheegtay in dadku isku cidhiidhyay Jid lagu magacaabo 204 oo ah Mina oo 5KM ka baxsan magaalada barakaysan ee Makka.

Afhayeenka Waaxda difaaca shacabka ee Sucuudiga ayaa sheegay in hawlgal lagu caawinayo dadka dhaawacmay ay ka qayb qaadanayaan 805 gaadiidka Ambalaaska ah iyo 4,000 oo shaqaalaha badbaadada ah.

Intii lagu guda jiray wakhtigan xajka waxaa dhacay shil uu sababay Wiish dhisme oo soo dhacay, kaasi oo sababay dhimashada 107 qof iyo dhaawaca in ka badan 200.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here