Ninkii gu Horeeyay Oo Isaga Oo Naafo Ah Fuulay Buurta Ugu Dheer Aduunka Ee Everest

0
250

Ninkii gu Horeeyay Oo Isaga Oo Naafo Ah Fuulay Buurta Ugu Dheer Aduunka Ee Everest

Hari Buddha Magar, oo dhawaan ka fariistay Ciidanka Ingiriiska, ayaa sameeyay rikoor cusub.

Waxa uu fuulay Buurta Everest inkastoo uu waayay labadiisa lugood.

Ninkan ayaa labadiisa lugood lumiyay markii la geeyay Afgaanistaan oo uu kujoogsday miino dhulka lagu aasay.

Waxa uu noqday qofkii ugu horreeyay ee fuula Everest isaga oo aan lahayn labadiisa lugood.

Hari Buddha Magar oo 43 jir ah ayaa ku nool Canterbury, UK. Waxa uu talaabadan u qaaday si uu u dhiirrigeliyo dadka kale una badelo aragtida ay dadka ka qabaan kuwa naafada ah.

“Waxay ahayd wax aad uga adag sidii aan filayay,” ayuu ku yiri taleefoonka dayax-gacmeedka oo kula xiriirayay kooxdiisa.

Magar ayaa aabo u ah saddex carruur ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here