Diyaaraddii Ugu Horreysay Ee Sidda Ciidankii Lagu Soo Tababaray Eritrea Oo Kasoo Degtay Muqdisho

0
176

Diyaaraddii Ugu Horreysay Ee Sidda Ciidankii Lagu Soo Tababaray Eritrea Oo Kasoo Degtay Muqdisho

Waxaa Goordhawaeyd Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kasoo degtay diyaarad sidda Ciidankii ugu horreyay ee lagu soo tababaray Dalka Eritrea, kuwaasi oo dalka ay soo gaartay qaybtoodii ugu horreysay.

Warar hoose oo lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in diyaaraddu ay kasoo degtay Garoonka,waxaana ay siddaa sida la sheegayo qaar ka mid ah Ciidamadii lagu soo tababaray Dalka Eritrea.

Ma cadda tirada Rasmiga ah ee Ciidanka maanta kasoo degay Muqdisho,balse waxaa la aaminsan yahay inay hordhac u yihiin Ciidamada Tabaraku ugu soo dhammaaday dalkaasi,kuwaasi oo dhawaanahaan uu socday qorshaha ku aaddan soo celintooda.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud uu carrabka ku dhuftay in Cidiinkaasi dalka keeni doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ciidamada Soomaaliyeed ee Tababarku ugu soo dhammaaday Dalka Eritrea ayaa ka kooban qaybaha kala duwan ee Ciidanka,waxaana dalkaasi tabar loogu qaaday Xiligii uu dalka Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana Feylka Ciidankaasi si rasmi ah ula wareegay Maadxweynaha haatan talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Guuxa iyo wararka la xariira keenista Ciidankaan, waxaa uu ahaa mid si weyn dhawaanahan la iskula dhex-marayay, maaddaama ay socdeen qorshe yaal dalka dib loogu soo celinayo Ciidanka Tababarka soo qaatay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here