Fadeexadii Shirkii Wadatashiga Beelaha Majeerteen iyo Axmed Cabdi Xaabsade

0
833

Shir oo loogu yeeray Shirka Wadatashiga Beelaha Puntland ayaa Beesha Majeerteen uga furmay Magaaladda Gaalkacyo 25 August 2015 kaas oo soo gebageboobay 29 August,2015. Shirkaas oo ay kala duwanaayeen ujeedooyinkii markii hore loogu magac daray wixii markii dambe looga hadlay.

Shirka markii hore wuxuu Cabdi Weli Gaas sheegay inuu ujeedadiisu tahay in beelihii markii hore Puntland wada sameystay ku wadatashanayaan oo ay dib ugu eegaan wixii ka xumaaday kuna saxayaan, iyadoo Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay qayb ka ahaayeen dhismihii Puntland hadase dib uga baxeen.

25 August markii Shirku furmay waxaa ka soo qaybgalay beesha degta Goboladda Barri, Nugaal iyo qayb Galkacyo ka mid ah, ilaa intuu ka dhamaanayey waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee laga wadahadlay waxaa ka mid ahaa xalinta khilaafyadda ka yimaada muranka daaqsinka iyo aanooyinka qabiilka, iyadoo kooxahii ka qayb galey ra’yigooda ku soo gudbinayeen waraaqo yar-yar, waxaana ay fajiciso ku noqotay siyaasiyiin iyo waxgarad badan oo ka rajo qabay in shirkani gogol xaar u noqdo in dib laysugu soo celiyo beelihii wax kala tirsaday ee Puntland ku kala tegay, laakiin wuxuu ku soo gebageboobay daaqsin iyo aanooyin beesha Majeerteen dhexdeeda ah.

Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ahaa xubnihii ka soo jeeday degaamadda SSC ee la geeyey Shirka magaalada Gaalkacyo ayaa jeediyey khudbad ku salaysnayd xaqiiqada Puntland, taas oo mar qura bedeshay jawigii golaha, oo kaliftay in dad gedoodsani ay qoyb iyo qaylo ugu godlaan Xaabsade, iyadoo loo geystay aflagaadooyin iyo meel ka dhacyo af iyo adinba leh, wuxuuna dhowr xaal siiyey dad cadheysan oo ku soo qamaamay.

Inkastoo Xaabsade aanu ahayn siyaasi rayi fadhiya leh, hadana wuxuu diiday inuu ku wareegaalaysto qodobkii daaqsin ahaa ee reerkii meesha isugu tegay ka hadlayeen, wuxuuna noqday Ninkii ugu hadalka fiicnaa ama runta ka sheegay xaalada Puntland, wuxuuna kaalinta 1aad u galay xubnaha ka soo jeeda SSC oo ku jira golayaasha oo aan soo qaadin degaanada ay ka soo jeedaan oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland C/Xakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo waqti ku dhameystay daaqsin iyo aanooyin. Hoos ka daawo Nuxurkii Khudbadii Xaabsade

Waxaa isweydiin mudan, Shirku ma wuxuu ahaa mid dhaqan oo aanooyin iyo daaqsimo xalintood loo qabtay, mise mid masiir siyaasiya oo khaldamay lagu saxayo?

Xilligii Cabdilaahi Yuusuf ayaa qaar ka mid ah Ciidamadda Puntland loo geliyey dirayska ciidanka Ethiopia waxaana lagu dhex daray dhowr askari oo ka mid ahaa SSDF tii afka Xabashida taqaanay, waxaana lagu sii daayey maqaaxiyaha waxayna bilaabeenn in ay ku hadlaan af Xabashi, dabadeedna dadkii shacabka ayaa u qaatay in Guutooyin Ciidamada Itoobiya u joogaan Cabdilaahi Yuusuf.

Shirkii Gaalkacyo wuxuu la mid ahaay dhacdadaas, markii Xukuumadda Cabdiweli fashilantahay mudadii yarayd ee ay xilka haysay, Beelihii Puntland sameystayna ka baxeen oo hal beel ahi isugu soo hartay, markii Maamulka Galmudug sameysmay oo siyaasadii ka badiyey Cabdi Weli iyo Xukuumadiisii iyadoo la wada ogsoon yahay in Gobolka Mudug inta maamul goboleed lagu dhistay markii lagu muraadsaday oo shuruudii Dastuurka ee 2 gobol iyo wixii ka badan lagu buuxiyey, la yiri maxaad la qaylinaysaa, lagu soo celi inta reerkiinu dego ee aamus, mushar la’aan, ciidan xumo iyo fadeexado kale ay ku habsadeen ayuu bilaabay riwaayada in dad hool laysugu keeno oo lagu sheego in beelihii Puntland wada dhistay tashanayaan.

Waxaa isweydiin mudan shirka daaqsinta xoolaha lagaga hadlayey Soomaali ma khalkhal gelin karaa? Bulshada Galmudug iyo Soomalina ma laga qarin karaa in Puntland burburtay oo Dastuur khayaali ahi waraaqo ugu qoran yihiin?

Isku soo wada duubo shirkii Gaalkacyo wuxuu ku dhamaaday fashil wuxuuna umadda Soomaaliyeed u iftiimiyey xaaladda dhabta ah ee Puntland ku sugan tahay oo ah magac kaliya oo hoosta ka madhan.

Daawo Nuxurkii Khudbadii Xaabsade:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here