Siyaasiga Ismaciil Hure Buubaa Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargysa, Kadib Markii Uu Ka Laabtay Maqifkii Somaliweyn

0
702

Hargysa(Halsan):- Mudo dheer kadib oo waayo badan xanbaarsanayd waxa dalka dib ugu soo laabtay siyaasiga rug cadaaga ah ee reer Somaliland mudane Ismaciil Hure Buubaa, oo xilal badan oo kala gadisan ka soo qabtay dawladahii kala gadisnaa ee loo sameeyay dalka Somaliya ee aynu jaarka nahay oo ay halakeeyeen, qab qablayaal,argagaxiso iyo dawlad laan loo maaro waayay soo dabaalisteeda.

Ismaciil Hure Buubaa oo ka mid ahaa golahii wasiirada ee markii lagu dhawaaqay la soo noqoshadii dawladii luntay 1960-kii ayaa dhowr sano kadib ka laabtay mawqifkii uu aaminsnaa ee Somaliland waxana uu mudo kadib ku biiray xukumadahii loo soo dhisi jiray Koonfurta Somaliya oo marwalba sheegan jirtay in Somaliland ay ka mid tahay madaama oo ay xubno ka soo jeedaa ay ku jiraan kuwaasi oo uu ka mid ahaan jiray Mr Ismaciil Hure Buubaa oo dhowr bilood ka hor ka noqday mawqifkii Somaliweyn isla markaasna ku tiraabay ama dooday in mowqifkaasi shaqayn waayay oo uu hada ka shaqaynaayo ama aaminsanyahay sidii looga midho dhalin lahaa in dalkii Somaliya ee midoobay 1960kii ay haboontahay in dal kastaaba xoriyadiisa ku eekaado oo Somaliland oo la aqoonsadaa ay wax weyn u tari karto sidii Somaliya loogu soo dabaali lahaa deganaasho iyo nabad waarta.

Ismaciil Buubaa waxa gabi ahaanba laalay midnimo Somaliyeed oo danbe oo dhex marta labadii dal ee midoobay 1960kii waxana uu taageero buuxda u muujiyay gooni isu taaga Somaliland oo uu sheegay mid hada xiligiisii jooga kuna booriyay in ay tahay in la aqoonsado Somaliland.

Hadaba waxa maanta madaarka magaalada Hargysa ku soo dhaweeyay Ismaciil Buubaa madaxda xisbiyada qaranka sida Waddani iyo UCID iyo sidoo kale xubno ka mid ahaan jiray xukumadii hore ee Rayaale sida Cali Sanyare iyo dadweyne aad u tiro badan oo ka kooban noocyada kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Hargysa, waxna ay dadku aad u soo dhaweeyeen mawqifka cusub ee geesnimada leh ee uu maanta qaatay Mr Buubaa.

Ismaciil Buubaa ma aha siyaasigii ugu horeeyay ee ruug cadaa ah ee ka soo goosta mawifkii uu aaminsanaa ee Somaliweyn ee waxa hor arintani geesinimada leh oo kale u muujiyay siyaasiga caanka ah ee Axmed Ismaciil Smatar oo si laayaableh dalka loogu soo dhaweeyay.

Waxna soo yaraanaaya siyaasiyiintii aaminsnaa mabada Somaliweyn ee ku sugnaa magaalada Muqdisho oo la sheegaayo in ay badankoodu iskaga baxeen dalkaasi oo ay ka sii yaraanayaa inta ku hadhayna ay u qorshasantahay in ay iskaga baxaan taasi oo la sheegaayo in xukumadda Somaliya ay hada bar tilmaameed ka dhigtay madaxda golyaaasha dawladaasi ku jira ee ka soo jeeda Somaliland oo ay la soo waajahday cabsi hor lihii, waxana lagu wadaa in ay rag kale ka soo goostaan dhawaan oo ay dalka soo gaadhaan, waxna jira xidhiidho badan oo qaar ka mid ahi ay la soo sameeyeen xukumadda Somaliland kuna wargaliyeen in ay ka laabteen mawqifkii ay aaminsanaayeen ee Somaliweyn.

BuubaaSeed bubaa99 buuuu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here