Shaqo Joojinta Hiliblaha Oo Maalintii Labaad Gashay+Cabashadooda iyo jawaabta Maandeeq iyo Dawladda Hoose+Wasaaradda Daakhiliga Oo Albaabka Ka Xidhatay

0
652

Hargeysa(halsan) :-Magaalada Hargeysa, dadka xoogsatada ah ee Hilibka qala ayaa shaqo joojin wada maalintii labaad. Waxaa arrinta sii murgisay shirkadda Maandeeq ee ay ka cabanayaan oo Neefaf xoolo ah oo ay soo iibsatay ku qashay Hargeysa, taasi oo muujisay sida shirkaddu ganacsiga ugu haysato dadka ganacsatada ah.

 

Masuuliyiinta wasaaradda Daakhiliga ayaa sidoo kale Albaabka ka soo xidhay dadka ka ganacsada Hilibka oo cabasho la hor tagay markii laga xidhay dadkii madaxda u ahaa Ururkooda iyo guddiyadoda. Booliska ayaa kala eryay dadka xarunta wasaaradda daakhiliga cabashada la tubnaa maanta, iyadoo aan cid masuuliyiinta dawladda ahi la hadal ama cabashadooda dhegaysan.

Aragtiyaha Dadka Hilibka ka ganacsada oo sheegaya waxay ka cabanayaan iyo dhibka shirkadda Kaawaanka xoolaha lagu gawraco gacanta ku haysa ee Maandeeq ku hayso

 

“Waxa isku kaayo keenay eenu shalay iyo maantaba u joojinay qalista xoolaha waxa weeye waxaanan qaadi Karin ayaa nalagu jujuubay. Neefka Lo’ada ah wuxuu yidhi SLSH 35,000 bixiya oo wuxuu ku kordhiyay 12,000 kun, Neefka geelaha SLSH  60,000 wuxuu ahaan jiray 42,000, Neefka adhiga ahi wuxuu ahaan jiray 6,500 wuxuu yidhi 12,000 bixiya waxaanan qaadi Karin ayuu nagu jujuubayaa”

 

“Nin shicib ah oo nala mid ah ayaa xuurto nagu haysta. Dawladdayadii hore waxay naga qaadi jirtay shan boqol oo shillin(SLSH 500), markuu qabsaday ba wuxuu nagu bilaabay saddex kun iyo shan boqol(SLSh 3,500), mar kale ayuu nagu kordhiyay oo lix kun ka dhigay(SLSH 6,000).”

 

“Waxaanu ka mudaharaadaynaa shirkadda Maandeeq la yidhaahdo oo nagu haysata Kaawaankii dawladda. Cashuur aanan qaadi Karin ayaa nala leeyahay bixiya oo waxaa nalaga xidhay 50 qof oo rag iyo dumar iskugu jira. Masuuliyiintayadii Nafaqo ayay qaqabatay oo la xidhay, maantana naftiibay noogu timid oo waxay leedahay anagaaba ganacsanayna oo ganacsigii bay nagu haysataa. Cashuurtii way soo dhaaftay oo ganacsigii baabay nagu haysataa, haddaanu khalad wadno dawladdu ha na qabato, haddii nalaga gar daran yahayna madaxweynaha, wasiirka daakhiliga iyo cid kasta oo ay khusaysaba waxaanu leenahay adeer nimankaas nooga soo gurmada,”

 Jawaabta Shirkadda Maandeeq iyo Dawladda hoose ee Hargeysa

Jaamac Rooble, guddoomiyaha shirkadda Maandeeq oo maamusha Kawaanka xoolaha lagu gawraco ayaa ku dooday in dadka hilibka ka ganacsadaa  ka cabanayaan SLSH 5000 oo ay keentay duruuf ku aadan sixir bararka dalka, maadaama buu yidhi ilaa 2005 aan lacag la kordhin, inkasta oo Hilibluhu arrintaasi beeniyay oo sheegay in dhawr jeer lagu kordhiyay.

“Horta waa in la fahmo cabashada dadkan, anigu waxaan u arkaa dad aan lagu aamini Karin cuntada dadka, sababtoo ah may ahayn inay dadka gaajaysiiyaan. Waxay ahayd in hilibka la qaybiyo oo wixii wada hadal ah la iskugu yimaado. Waxaanu ilaa hadda qaadnaa qiimihii 2005-tii, sidaas darteed Kawaanka nadaafaddiisu ma sii shaqayn karto. Halkii aanu 6000 qaadi jiray waxaanu ku kordhinay 5000, waxaanad ka qiyaastaa qiimihii 2005-tii sida wax u kaceen, hadday lacagta tahay, hadday masaariif tahay,hadday shaqaalaha tahay, wakhtigaa 2005 litirka shidaal ahi wuxuu ahaa sodon senti, haddana waad aragtaasn,” ayuu yidhi Jaamac Rooble oo BBC-da la hadlay.

 

Maayar kuxigeenka Hargeysa, Cabdicasiis Cagoweyne,ayaa sheegay in ka dawlad hoose ahaan ay dhexdhexaadinayaan Shirkadda Maandeeq iyo dadka cabashada sameeyay islamarkaana ay isla eegi doonaan arrimaha la isku hayo. Waxa uu sheegay in markay haboonaato la soo dayn doono madaxda Hiliblaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here