Madaxweynaha Somaliland Oo Xilal Cusub Magacaabay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-215/102018,ku magacaabay Xubnaha Komishanka Maamul-wanaaga.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Maamul-Wanaaga, Xeer Lr. 58/2012;
Markaan Arkay: Xeerka Guddida Qaranka ee Xakamaynta AIDS-Ka, Xeer Lr. 67/2015;
Markaan Arkay: Xeerka Guddida Dhawrista Tayada, Xeer Lr. 68/2014;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Komishanka Maamul-wanaaga u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir | Magaca | Xilka |
1. | Axmed Jaamac Maxamuud | Xubin |
2. | Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Maxamed | Xubin |
3. | Maxamed Axmed Cawaale | Xubin |
4. | Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi | Xubin |
5. | Dayib Aadan Xaaji Cali | Xubin |
2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir | Magaca | Xilka |
1. | Naasir Ayjeex Jaamac | Agaasimaha Fulinta |
2. | Muxiyadiin Yuusuf Ibraahim | Agaasimaha Wacyi-gelinta iyo Abaabulka |
3. | Maxamed Jaamac Siciid | Agaasimaha Tababarada iyo Horumarinta Hawl-wadeenada |
4. | Maxamed Abiib Yuusuf | Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka |
3) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Guddida Hay’adda Dhawrista Tayada u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir | Magaca | Xilka |
1. | Faysal Maxamuud Siciid | Xubin |
2. | Maxamed Ismaaciil Dhimbiil (Suufi) | Xubin |
3. | Cali Sheekh Muxumed Aw Cabdi | Xubin |
4. | Xasan Maxamuud Maxamed (Bakoosh) | Xubin |
4) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir | Magaca | Xilka |
1. | Xuseen Xaaji Xasan Guuleed | Guddoomiye |
2. | Maxamed Xasan Sheekh Muumin | Guddoomiye Ku-xigeen |
3. | Cabdirisaaq Muuse Faarax | Xubin |
4. | Cismaan Jaamac Aadan | Xubin |
5. | Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Duse) | Xubin |
6. | Axmed Cali Xirsi (Sulub) | Xubin |
[
5) Masuuliyiintii xilalkan hore u hayey waxaan uga mahad-celinayaa muddadii ay Qaranka u soo shaqeeyeen.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi