SOMALILAND: BULSHO KU DHEX NOOL QARAN LA IIBIYAY 2012.

0
908

Todobaadkii lasoo Dhaafay ayay ahayd markii ay Soo shaac-baxeen Dhukmantiyo sir ah oo kooxda wax qarbudda ee HACKERS -ku kala baxeen Wasaaradda Arimaha dibadda ee Sucuudiga laguna baahiyay mareegta siraha aduunka faafisa ee Wikileaks.

 
Dhukumantiyada liigay ee shabakadaasi Wikileaks lagu faafiyay ayaa waxa kamid ahaa dokumenti asal ah oo ka soo baxay mukhaabaraadka Sucuudiga, kaasoo caddaynaya, in xukuumadda Somaliland la saxeexday 18/02/2012 dawladda federalka Somalia, Puntland iyo maleeshiyooyin kale dhismaha dawlad midaysan, baarlaman iyo distuur federal ah.

 
Saxaafada somaliland iyo tan caalamka ayaa siweyn xiligaasi u qaada dhigayay xiisa ay xambaarsan yihiin Sirahaasi qarsoona ee Fashilmay.

 
bulshada Somaliland-na waxay jaahwareer ka qaaday cadaymaha ay xambaarsan tahay warqada la soo bandhigay ee sheegaysa in qaranka Somaliland Xukumadda madaxweyne SIILAANYO ka takhalustay sanadii 2012.

 
Maalmihii lasoo dhaafay in badan oo kamid ah baraha internetka ee xidhiidhka bulshada iyo barkulan-nada kale ee la isku arko waxa siweyn loogu qaada dhigayay xaqiiq nimada iyo jiritanka warkaasi iyo weliba sababaha xukumadda ku kalifay inay gadato masiirkii 24 sano Shacbiga reer Somaliland kusoo tabcayeen.

 
Amakaaga shacbiga kadib Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Hajji Hassan ayaa su’aal sii geliyay dareenkii bulshada ee kacsanaa waxana uu shaki ku daboolay wararka sheegaya in Xukumada uu ka tirsan yahay qaadatay mabda Somaliweyn.

 
Xirsi walow uu beeniyay inay jirto meel Xukumadu ku saxeexday midnimo Somaaliyeed waxa uu hadalkiisa ku ladhay jiritaanka khaladaad uu sheegay in uu galay wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Dr Maxamed Cabdulaahi Cumar taaso sabab u ah bu yidhi in uu xilkiisa waayo.

 
Markale hadal haynta iyo dareenka shacbiga ee Dhacdadan ayaa cirka ku sii xidhay kadib markii warka wasiir Xirsi ku baxay qaar kamid ah Saxaafada dalka waxana bulshadu garwaaqsatay jiritaanka sirtan la baahiyay.

 
Dad ka faalooda arimaha Siyaasaduna hadalka Wasiir Xirsi waxay ku macneeyeen in uu masuulkii xilka laga qaaday ee Xukumadooda ka tirsanaa kula gal galanayo Hadimada iyo shirqoolka qaranka ay gelisay Xukumadda Madaxweyne SIILAANYO.

 
Ku darso hadal haynta bulshada waxa kamid ah maxa keenay In madaxweyne SIILAANYO Saxeexo midnimo somaliyeed maadamu ahaa hogaamiyihii SNM war-na aanu ku seeganayn dhibtii loo soo maray dib ulaa so noqoshadii midnimadii Somaliland iyo somalia ee 60-dan kii lagu khasaaray.

 

 

Yeelkeede shacbiga Somaliland weli waxay nawilayaan inay jawaab cad ka helaan xukumadda talada Dalka haysa waxna ay ka tidhaahdo cadaymaha buuxa ee lagu helay iibinta qaranka.

 

 

 

Faallo By Mohamed Yousof Bakayle

Chief Of Editor Somalilandtomorrow.Com/Hargeysa

Mbakayle@gmail.com

063-4316268

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here