Siilaanyo Maaha Madaxweyne Qaran ee Wuxuu Kursiga ugu Fadhiyaa Qoyskiisa W/Q.Asha Jama

0
681

Madaxweyne Siilaanyo Maaha Madaxweyne Qaran ee Wuxuu Kursiga

ugu Fadhiyaa Qoyskiisa & Kuwa Hablihiisa Qaba siduu Xoolaha Umada

Ugu sharciyeyna Lahaa Si ay Gurtaan, Una Boobaan Inta uu Joogo.

Siilaanyo Waa Madaxweyne Qabiil oo Weliba Qoyskiisa Meesha & Kursiga ugu Fadhiya oo

aan Shacabka S/Land & Wadanka Toona aan Waxba u Qaban, Waxaad Arkaysaa Wadankii

oo Nabadgelyadii Faraha Ka Sii Baxayso, oo Caruurtii Xabad Lala Dhacayo, oo Magaalooyinkii

La Soo weerarayo, oo Saraakiiishii Xeryaha Dhexdooda Lagu Kharaajinayo, oo Waxaad Kale oo

Aad Arkaysaa Biyo La,aanta & Aabaaraha & Sicir Bararka & Macaluusha Masaakiinta Haysata oo

aan BBC,da Ka Dhegaystay Dumar & Hablo Markay Reerahoodii & Caruurtii Macaluul Darteed

Waxay Siiyeen Waayey Dariiqyada u Soo Baxay, oo Shaaracyada Yaan u Shaqaynaa, ama Guriga

u Soo xaadhnaa, oo Maryaha Yaan u Soo Maydhaa oo Baabuurta & Raga Kala Hororsanaya.

Markaa Madaxweyne Siilaanyo Isaga Reerkiisii ayuu La Boobayaa Hantidii Umada oo Gaajo Ma

Hayso Kama Damqanayo Dhibaatada Haysta Shicibka uu Ka Masuulka Yahay, oo waa Kaa Hablihiisii

& Ragii Qabay u Sharciyeeyey inay Boobaan Xoolaha Umada oo Moorgan1 & Moorgan2 & Islaantiisa

& Xirsi Gaab ay Milyan Dheer Ku Noqdeen Xoolaha Masaakiinta

.Madaxweyne Siilaanyo Isagoo Reerkiisa uun Madaxweyne u ah oo aan shicibka Dhibaatadiisa Ka Dam-

qanayn ayaa Saleebaan Gaalna Diktaytarnimo & Qabiilnimo uu ugu Burburiyey Sharcigii & Dastuurkii oo

uu Doorashooyinkii & Komishinkiiba Ku Baabi,iyey anigaa Ku Dhawaaqaya Xiliga Doorashada ee Waa Inay

Taydu socotaa, oo Maxkamadiina Ay Raacday Amarkii Saleebaan Gaal, oo U Sharciyeysay Wakhtigii Saleeb-

aan Gaal In Doorasho Lagu qabto, oo Guurtidii Isku rogtay Gudigii Komishinka qaranka.

Sidaas darteed, Siilaanyo Waa Madaxweyne Qoys ee shacabka S/Land Indhaha Hakala Furaan oo Odayada

Koofiyadaha Sita ee Xoolaha Umada Xaaraanta Loogu Laaluusho ee Tv,yada Ka Difaaca siilaanyo oo Qabiilay-

sta ah ee Wadankii Baabi,iyey ee Reerkiisa & Islaantiisa & Wasiirada uu Adeerka u Yahay & Kuwa Hablihiisa

Qaba Kursiga ugu Fadhiya ee Nabadgelyadii wadanka Khatar ku Jirto oo Xabad Caruurtii Lala Dhacayo oo

Magaalooyinkii La Soo Weerarayo, ee aanu Kana Hadlayn, Kana Dareen Celinayn, ee sida Sawirka Madaxt-

ooyada Lagu qurxiyo Waa Madaxweyne.

Bal Hadaba, shicibka S/Land Gude & Debedaba Indhaha Hakala Furaan Siilaanyo oo Qoyskiisa Kursiga ugu

Fadhiya Saleebaan Gaalna uu Qoysnimo Ku Ilaaliyo, oo Sharcigii & Doorashooyinkii uu Isaga Dartii u Burbur-

iyey, Maxkamdiina Taa Qoyska ee Saleebaan Gaal & siilaanyo ay ku raacday.

wabilaahi Tawfiiq

Anigaa ka Masuula.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here