Abuu Mansuur oo Saxaafada loo soo bandhigay kana hadlay Mowqifkiisa + Sawirada

0
707

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho Saxaafada loogu soo bandhigay Afhayeenkii hore ee Kooxda Al Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo dhawaan isku soo dhiibay dowlada Soomaaliya.

Abuu Manasuur oo goobta lagu soo bandhigay Saxaafada kula hadlay ayaa shaaca ka qaaday in uu ka baxay Al Shabaab kana soo laabay fikirkooda, waxa uuna tilmaamay in sanado kahor uu isaga baxay kooxdaasi kadib khilaaf soo kala dhax galay.

Waxa uu cafis ka dalbaday Sheekh Muqtaar Roobow Umada Soomaaliyeed , waxa uuna u mahad celiyay dowlada Soomaaliya oo wadahadalo kadib Abuu Mansuur kusoo dhaweesay in uu yimaado magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here