Weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay makhaayad kutaala Burkina Faso + Sawirada

0
617

Kooxo islaamiyihiin ah oo la tuhmayo in Al Qaacida ka irsan yihiin ayaa weerar dad badan lagu dilay ku qaaday makhaayad kutaala bartamaha magaalada Ouagadougou ee caasimada dalka Furkina Faso .

Sadex nin hubeesan ayaa lagu soo waramayaa in rasaas xoogan ku fureen Maqaayad ay dad badan fadhiyeen, waxaana dadka la dilay lagu soo waramayaa in ay ku jiraan ajaaniib dalkaasi dalxiis u tagtay.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku dhintay 17-qof halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo badan, waxaana laga cabsi qabaa khasaaraha dhimaso inta hada la ogayahau in uu kasii bato.

Sanadkii hore dalka Burkina Faso wqaxaa ka dhacay weerar kan la mid ah oo lagu qaaday Maqaayad dalkaasi ku taalav , waxaana weerarkaasi lagu dilay dad 30 qof ka badan halka tiro kalana lagu dhaawacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here