Xoghayihii Gobolka Togdheer Ee Xisbiga WADDANI Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
602

Burco(Halsan):-Wararka hadda naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Halsan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada amaanka gobolka Togdheer ay goordhawayd xabsiga u taxaabeen xoghayihii gobolka Togdheer ee xisbiga WADDANI Cabdisamad Axmed Boon.

Xadhiga masuulkan lagula kacaya ayaa waxa la sheegay in uu bixiyey badhasaabka gobolka Togdheer Mudane Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax”.

Shabakada wararka Ramaasnews oo khadka telefoonka kula xidhiidhay gudoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobolka Togdheer Xuseen Kaahin ayaa noo xaqiijiyey in ciidamada Boolisku ay goordhawayd xidheen xoghayihii gobolka ee xisbiga WADDANI Cabdisamad Axmed Boon,waxaana uu gudoomiye Xuseen Kaahin ka dhawaajiyey in amarka masuulkan lagu xidhay ay u aanaynayaan in uu bixiyey badhasaabka gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax.

Sidoo kale gudoomiye Xuseen Kaahin ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in xadhiga xoghayaha ay u malaynayaan inuu salka ku hayo kadib markii saaka ay hogaanka sare ee xisbiga WADDANI magaalada Burco oo ay ku sugan yihiin ay xadhiga kaga jareen xafiisyo cusub oo xisbigu ku yeelanayo xaafadaha magaalada Burco,xadhig ka jarka xafiisyadaas oo xoghayuhuna goob joog ahaa.

Gudoomiye Xuseen Kaahin ayaa sidoo kalena waxa uu Ramaasnews u xaqiijiyey in ciidamada Booliska gobolka Togdheer ay xidh-xidheen dorraad ilaa shalay dad tiro badan oo iskugu jira taagerayaal,odayaal iyo masuuliyiin xisbiga WADDANI ka tirsan oo kasoo jeeda dhalasho ahaan gobolka Saaxil

Dhanka kalena badhasaabka gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo Ramaasnews isku dayday inay khadka telefoonka kula xidhiidho si ay wax uga waydiiso eedahan loo soo jeedinayo ee ah inuu amarka masuulkan lagu xidhay bixiyey ayaanay noo suurto galin kadib markii uu telefoonkiisa gacanta naga qaban waayey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here