SOMALIYA: Faah Faahino kasoo baxaa Qarax lagu weeraray Samafalayaal Imaaraatka u dhashay oo ka dhacay Muqdisho

0
726

Waxaa goordhaweyd qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah uu ka dhacay halka loo yaqaan Sarkuusta oo kutaala agagaarka Ex-Contarol Afgooye ee magaalada Muqdisho,

Qaraxa ayaa lagu weeraray kolonyo gaadiid ah ay la socdeen saraakiil samafal oo ka socday dowlada Imaaraatka Carabta, xubno katirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha iyo agaasimayaal katirsan maamulka gobolka.

Sida aan Wararka ku heklnay qaraxa ayaa haleelay waxyeelana gaarsiiyay mid kamid ah gadaiidkii ay la socdeen masuuliyiintan, waxaana lagu soo waramaya ain uusan wqaraxan ka dhalan wax khasaare nafeed ah.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah Guddiga Guramdka Abaaraha lana socday kolnyda qaraxa lagu eweeraray ayaa sheegay in uu jiro qarxaasai, waxa uuna tilmaamay in uusan jirin wax khasarao ah oo qarxaasi kasoo gaaray.

Kolonyada gaadiidka qaraxa lagu weeraray ayaa kusii jeeday xeryo dad barakacayaal ah ay dagan yihiin uu kuyaala Degmada Kaxda iyo deegaano kale oo kuyaala Duleedka Muqdidsho, waxaana qaraxa kadib ay go’aansadeen Guddiga abaaraha iyo xubnaha la socday in dib usoo laabtaan.

Qaraxan goordhaw lagu weeraray samafalayaashan ayaa imaanaya xili dhawaan qarax miino oo sidan oo kale loogu weeraray Hay’ad Samafal uu ka dhacay deegaanka Weydow, waxaana qarxaasi ka dhashay Khasaaao dhimasho oo caruur soo gaaray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here