Toogasho ka dhacday Goob lagu caweeyo oo kutaala Dalka Mareykanka + Sawirada

0
654

Toogasho ayaa ka dhacday goob lagu caweeyo oo kutaala magaalada Cincinnati gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, waxaana toogashadan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay 14-kalana wey ku dhaawacmeen toogashadan oo ka dhacday goob lagu caweeyo oo lagu magacabao Cameo Night Club .

Qof hubeesan ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay toogashadan ka dhacday Kalaabka lagu caweeyo ay xiligaasi ku sugnaayeen dad badan , waxaana baxsaday oo baadi goob loogu jiraa qof la tuhmayo in uu weerarkaasi fuliyay.

Haweeney u hadashay booliiska ayaa sheegtay in aysan wali kala cadeyn waxa ay salka ku heyso toogashada dhacday, waxa ayna tilmaantay in ay hada socdaan baaritaano ay wadaan ciidanka dambi baarista.

Dalka Mareykanka waxaa marar badan ka dhacay toogasho loo geestay dad ku sugnaa goobo lagu caweeyo, waxaana weerarada qaar horey u fuliyay kooxo la sheegay in ay xariir la leeyihiin kooxda Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here