Dad Loo Xidhxidhay Nin Lagu Eedeeyay Qarax Muqdisho Ka Dhacay Magaalada Boorama

0
678

Boraama, (Halsan):- Ciidamada Ammaanka gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, ayaa xabsiga u taxaabaya isla markaana baadhis ku wada Gabadh ay walaalo yihiin Nin dowladda Soomaaliya ku xidhiidhisay inuu fuliyey Qarax khasaare badan geystay oo lala beegsaday Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya, ayaa todobaadkii hore shaaciyey haybta nin isku qarxiyey Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu sheegay inuu ka yimi dalka Jarmalka, balse dhalasho ahaan uu ka soo jeedo gobolka Awdal ee Somaliland. Waxa kale oo ka horreeyey nin dhalinyaro ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal, kaas oo dowladda Soomaaliya ku dartay liiska shakhsiyaad ay madaxooda dul-dhigtay lacag fara-badan, haseyeeshee ninkan dhalinyarada ah oo warbaahinta la hadlay, ayaa iska foogeeyey eedaynta dowladda Soomaaliya dusha ka saartay.

Lama oga cidda la soo xidhiidhay ee Amarka ku siisay Xukuumadda Somaliland daba-galka ninka iyo ehelkiisa, haseyeeshee, waxa ay ciidamada Ammaanka ee magaalada Boorama Xabsiga u taxaabeen haweenay ay walaalo yihiin ninka falkaas lagu xidhiidhay, taas ciidamada Booliska xabbiseen dhowaan, balse lama oga in haweenaydaas xorriyadeeda loo soo celiyey iyo in kale.

Haseyeeshee, dhacdadan, ayaa tuhun badan galisay bulshada gobolka, waxaana habeennadii u dambeeyey deegaanno ka tirsna gobolkaas dul-haadayey diyaarado joog-hoose ku duulaya oo lagu xidhiidhiyay inay wadaan hawl-gallo ay cid gaar ah ku baadi-doonayaan iyo hadalka dowladda Soomaaliya ka soo yeedhay. Diyaaradahan, ayaa sidoo kale lagu arkay deegaammo ka tirsan gobolka Maroodijeex, gaar ahaan degmada Fara-weyne.

Haddaba, waxa arrimahan ka hadlay Sheekh Cali Diheeye ka mid ah culimada magaalada Boorama, waxaanu dhaliilay xil-gudashada hay’adaha ammaanka. “Sheekooyinka anigu aan maqlayo Nin baa Xamar Huteel qarxiyey baa la yidhi maalmihii innaga tegay, Reer Boorama ayuu noqday baa la yidhi. Waxa shalayto (dorraad) la ii sheegay Gabadh Dhakhtar ka shaqaysa oo ay ninkaa walaalo yihiin, in Katiinado Saldhigga lagu geeyey, lagu dhibay oo lagu hayo (Saldhigga Booliska Boorama). Aniga iyo Inankaygu waxaannu yeelan karnaa laba fikradood oo iska soo horjeeda,” sidaa ayuu yidhi Sheekh Xasan Diheeye oo khudbad ka jeedinayey mid ka mid ah masaajiddada magaalada Boorama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here