Beel kamida Beelaha Sanaag Degta oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo u gudbiyey Warqad Cabasho ah

0
710

Warqad Cabashada ah  Oo Beesha Sanaag Degtaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo hor dhigeen , Halka Ka akhri qoraalka

 

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND.
Ku: – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Mudane: – Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Tar: – 31/07/2015

UJEEDDO :- War Bixin Beesha HYB;
Mudane Madaxweyne 
Mudane Madaxweynaha,waxaanu marka hore kaaga mahadnaqaynaa,mudadii Xukuumadaadu talada dalka gacanta ku haysay horumarkii ay ku dalaabsatay. Dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha wadooyinka,oo ay kow ka tahay wadada Ceerigaabo & Burco isku xidhaysa, waxaanu kale oo kaaga mahadnaqaynaa isbedelada aad ay samaysay xukuumadaadu ee xaga horumarka loo dhaqaaqay guud ahaan dalka & gaar ahaanba Gobolka Sanaag;

 

 

Saluuga Xukumadda Aad gadhwadeenka ka tahey:

 

 

Anagoo tixraaceyna. Axdi-qarameedkii Somaliland ku heshiisey laguna soo Af-jarey Aftidii Distoorka 2001. Waxaanu halkan ku Cadeyneynaa iyadoon aan cunfi iyo Af-laago naga reeban tahey in Ay naga maqantahey Xaquuqdii muwadinimo ee Reer Somaliland aanu la wadaagno.

 

Mudane Madaxweyne. Beesha HYBARI,waxay saluug ka qabtaa arriahan hoos ku xusan;
Mudane Madaxweyne: Waxaan si guud u saluugsanahey hadaanu nahey HYB in aananu marbana ka muuqan xukumaddda ama ay aad uga yar yihiin Mansabyadda siyaasiga ah ee xukumaddii ka horeyey xukumaddan aan hogaankeeda tahey.

 

 

Mudane Madaxnweye:

 

Gobol ahaan waxa aan na soo gaadhin maranba horumar badan oo dalka ka socda. Waxa ka midda oo aan nalaga siin saamigii ku bahona gobolka sanaag oo ah gobolka ugu baaxadda weyn Somaliland. Mashruuca SDF. Waxan naloga qoodeyey, 5%.

 

Mashruuca GPL Isna aan laga qeyb galin Degmoyinka Gobolka Sanaag gaar ahaan magaalo maddaxda Ceergaabo.

 

 

Shaqaqoyinka Nabad Galyadda Gobolka oo Aan loo qiimeyn sidda dilalka Ciidanka Dhexdoda ka dhacey loogu gurmaddey markiisa sidda qori-lugud oo kale. Waxeyna keni gaadhey nabad galyo daro sameysa Beelaha gobolka degan

 

 

Qiimeynka ciidan Qaran, haddey tahey Police iyo Milarty waxa noo muuqta in aan laga siin beesha samigey ku lahey, haddey sidda:
Ciddanka Qaranka Nooc walba ha noqdee:

Tabaradda Ciidamadda dibada loo diro ama Dalka Gudahiisa 
Derjadda ciidanka ee la bixiyey, 
Qarameynta Ciidanka iyo Qoridda askar cusub
Xaquqda Askartii Geeriyotey ama ku dhawacantay hawlgal qaran
Oo aan la siinin. Mag-dhowgoodii ama xaquuqdoodi muwadinimo
Qoritaanka Ciddan Cusub oo ka Kooban ciidanka Badda. Milarteyga iyo Police. Oo Dalka laga qorey intii xukumadadu joogtey aan nalaga siin sedkii aanu ku laheyn. Waliba la balan qaadey 300 Askri Cidanka badda aan walina la fulin

Waxbarashadda iyo saami-qeybsigeedda :
Ardeydda: Waxa beesha aan maranba laga qeyb galin Deeqaha waxbarasho ee Dalka gudahiisa jamacadaha ah ee dowladu bixisey iyo kuwa dibadeed oo aad ugu yar. 
Macalimiinta Gobolka oo iyana aan wasaradda waxbarashaddu noo tayey noona qorin macalinmiin cusub. 
Jamacadda gobolka oo dhaqaleheeddu hooseyo kana Tayo hooseysa jamacadaha Dalka. 
Iskuulkii Dayaxa oo xidhan una Baahan in Dib loo furo.
Caafiamadka iyo tayeytiisa :

 

 

Gobolku waa gobol baaxad weyn aadna ugu nool yihin dad badani. Waxaa ka muuqata in Cusbitaalkii guud u xidhmey dhaqaale xumo iyo maamul xumo.

 

Waxaa tusaale kugu filan sarkaalkii ugu danbeyey ee lagu diley ceergaabo in xabadd meel sahlan kaga dhacdey balse uu u dhintey dhiig joojin la aan

 

 

Arimaah Dorashoyinka iyo goobaha Codeynta ama Diwaan galinta;
Waxaa gobolka ka jirta in aan Diwaan galintii Madaniga aheyd si fiican looga qaban. Waxa intaas dheer in la yareyey dhamaan gobahii Dorashadda ee beeshu degto. Aanuna rabno ln la kordhiyo aaney marnba ka yaraan gobahii xukuamdii hore markii ey jirtey gobolka iyo degamadda Ceergaabo laga codeyn jirey.

 

 

Mansabyadda Siyaasiga ee Xukumadda Dhexe ilaa Heer gobol:

 

 

Waxa cadd oo muuqata mudane madaxweyne in Beesha HYB ey ku yartahey xukumadda dhamaanteed mansabyadda siyasiga ah ee Dowaldda Dhexe iyo heer gobol. Waxa intaas noo sii dheer. In Dhamaan Mansabyadii

 

Gobolka dhaamaantood ey isku taxeen Besha Aad ka soo jeedda. Taaso na tuseysa in ey leeyihiin madaxweynahu waa (ADEERKAYO) Ama nagula kaftayaan Siilaanya noo jooga.

 

Taasina waxey keeneysa in aanu ku kalsoonan weyno xukumadda aad hogamineyso una aragno qabyaaladd qaawan. Markaanu aragney in nin walba laga qaadey xilku haye loona dhiibey, Qof ka so jeedda Beeshadda taasna ey hormood ka yihiin wasiiradda soo magacabaya hadaad ogtahey iyo haddi kaleba 

 

 

 

Dhaqlaaha iyo Horumarka Gobolka:

 

Gobolku waa gobol baaxad weyn beeshuna aad u degto leh ilo dhaqale oo fiican balse waxa ka maqan dhaman kaabayaasha dhaqaalaha.

 

Waxa aanu saluugsanahey oo aan wali laga dowaladda ka sugeyna

 

Qodoban hoos ku qoran.

 

In mashariicda horumarinta ganacsiga ee uu waddo World Bank ananu ku ku jirin, ganacasadda kale ee dalka lagu caawiyo.

 

 

In Naloo dhiso Dekedda meyd, Calamkana dowalhaa caawiya lala kashaddo sida turkiga iyo Emaratka. 
In sidii xukumadii hore na la sameeyo cashuur dhaaf Dekedda meydh,

 

In la sameyo wershadd kaluun oo ganacstaadda gobolka iyo dowaladdu ku shurkaan si dhaqlaha gobolku u soo noqdo maadama uu xaduud la leeyahey puntland.

 

In dhaman la dhiiri galiyo Hay-adaha aan dowliga aheyn iney yimaadan degmadda ceergaabo kana howl galaan.

 

 

In wasradda Beerahu xil iska sarto wax soo saarka beeraha lana caawiyo degaanka gobolka beeshu degto iyo beelaha kaleba

 

 

 

Biyaha:

 

 

Gobolka baaxadda dhan leh wali kamey suurta galin in degaanadda beesha la qodo ceelal biyood anagoo ka war qabna in dalka ey ka soccdaan biyo faafin balaadhan eyna ku deeqeen dowalaha Emaratka iyo World Bank. Iyo European Unionkku.
Soo Jeedin iyo Gunaanadd

 

Mudane Madaxweyne. Beesha HYBARI, waxay kuu soo jeedinaysaa arrimahan hoos ku qoran Dhamaantoodd waxa laga qabto iyadoon aanunu Buun Buunin

 

Waxan ku soo jeedinneyna in kordhiyo sedka heer Qaran sida (wasiirada , W.ku xigeenada , Agaasimayaasha guud,iyo hoggaanka ciidamada) , isla markaan xilalka heer gobol si caddaalad ah loo dheelitiro.

 

In dekedda maydha laga dhigo deked weyn oo waxna laga dhoofin karo waxna laga soo rogi karo, Iyo dayactirka waddadeeda Tabca.

 

In la xoojiyo ilaalinta degaanka kaas oo xaaluf iyo dabba ku socdaan . lama helo wax lagaga kaaftoomo shidista dhuxusha.

 

In jiidaha biyo laantu ka jirto ee beeshu degto laga sameeyo ceelal riigag ah oo dhan 25 ceel. Laguan daro dalabka mashariicdda biyaha ee Hilaal Axmar iyo EU, world Bank

 

Maadaama Gobolku yahay Gobol balaadhan,kalana durugsan,waa in la kordhiyaa Goobaha Sanaaduuqda codbixinta.
In mashaariicda horumarinta ee saamiga gobolka la kordhiyo .

 

In dhismaha & kabka dhaqaale ee la siiyo Jaamacada Sanaag la kordhiyo,lana tayeeyo,si dib u dhaca aqooneed ee guud ahaan Gobolka ka jirto ay wax uga bedesho.

 

 

In arrimaha nabadgelyada/shaqaaqooyinka Gobolka ka dhac,ka hawlgal kooda la xoojiyo. Si degdeg. Sarakiisha cidanka is-dilana xukumaddu waajibkeeda markaba Gudato hadey tahey mag-dhowogda iy o hadey tahey soo qabashadoodaba.

 

In Gobolka lagu dhiri galiyo Ha-yadaha UN iyo International Ngo laguna sunto inuu amni ka jiro xukumadduna masuuliyadd dheeraadda iska saarto.

 

 

N/B

 

 

In ninka magaciisu yahay Yuusuf Ali Osman oo ka iibiyey ciidanka badda ee dawladda doon kaas oo aan weli la siin lacagtiisii muddo fara bandanna qayliye ahaa in la siiyo lacagtiisa si degdeg ah.
In Dhulkii Garyaqaan Yousuf Dhuxul oo Dhowr-jeer Maxkamaddi Xukuntey madaxweyne la fuliyo Amarna ku bixiyo in Dhulkaas la soo celiyo, Agoontii laheyd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here