8-da August waa maalin ku asteysan Daahfurka Horyaalka ingiriiska oo ah midkii ugu kululaa sanadkaan

0
744

Waxaa Sabtiga 8 Ogosto 2015 si Rasmi ah u daahfurmi doona Hadii Alle idmo Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 oo ah mid si weyn loo sugayo,waxaana ka qeybgalaya 20 naadi oo 3 ka mida ay ka soo baxeen Heerka 2 Xili ciyaareedkii Tagay ee 2014-2015.

Lugta 1 ee Furitaanka u ah Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 ayaa la kala Ciyaari doonaa Maalmaha Sabtiga,Axada iyo Isniinta ee 8,9 iyo 10 Ogosto 2015

kulamada usbuuca 1 waxaa ugu tun weyn Kan Lagu Furayo Horyaalka ingiriiska 2015-2016 Sabtiga kaasoo u dhaxeeya Kooxaha Man Utd vs Totenham,waxaana Macalinka Man Utd Vangaal uu rajeynayaa in Gurigiisa uu ku bilowdo Guul 8 Ogosto 2015.

 

inkastoo lugta 1 ee Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 ay u badan tahay kulmao iska caadi ah,hadana kuwa kale ee la sugayo waxaa ka mida.

Sabti 8-8 2015 Chelsea vs Swansea

Axad 9-8-2015 Arsenal vs Westham

Axad 9-8- 2015 Stoke City vs Liverbool

Xili Ciyaareedkaan 2015-2016 Horyaalka Ingiriiska waxaa ku cusub Kooxaha

AFC Bournemouth, Watford, Norwich City oo kulamadooda sabtiga ciyaari doona kana kala hortagi doonaa Kooxaha Aston Villa, Everton iyo crystal Palace

N.B.Macalin Jose Mourinho oo Kooxdiisa Chelsea ay difaacaneyso Horyaalka ayaa la isweydiinyaa ma difaacan doonaan mise kox kale ayuu u gacan gali doona

Kooxaha Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 looga baqayo inay hantaan waxaa ka mida Chelsea,Man Utd,Arsenal, Man City iyo Liverbool oo ah kuwa ugu tunka weyn kooxaha ka qeybgalaya Horyaalka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here