30 KHALAD KA DIGTOONOW RAMADAANTA !

0
931

Had iyo goor waxaynu  samaynaa khaladaad inaga dhaca waqtiga Ramadaanta inagoo laga yaabo in aynu qaarkood u fahansanahay inuu ajar inoogu jiro waxaana ka mid ah.
1)   Dadka qaarkood ayaa yidhaaha marka ay arkaan bisha oo bilatay All way bilatay , taasi waa khalad sida saxda ahina waa inuu qofku ku ducaysto ducadii nebigeenu ku ducaysan jiray marka uu arko bil cusub,
2)    Waxaa khalad ah in Ramadaan laga horaysiiyo maalin ama laba maalmood.
3)   Qofka oo seexda isagoon niyaysan Ramadaan ama soonta faralka ah,
4)   Niyada oo qofku ku hadlo ama yidhaaho nawaytu sooman qadan waa khalad,
5)   Dadka qaarkood ayaa marka eedaanka maqrib dhaco aan afurin oo eedaanka suga inuu dhamaado taasina waa

 

khalad waa inuu afuraa marka uu maqlo eedaanka ee u horaysa ducaystaana.
6)   Dadka qaar ayaa ku ducaysta ducooyin daciifa oon sugnayn waa in qofku ku ducaystaa ducooyinka nebiga ka sugnaaday ee saxiixa ah.
7)   Dadka qaar ayaa ka habsaama salaada jamaacada ee maqrib isagoo ku doodaya waxaa la yidhi salada dib u dhiga oo cuntada horaysiiya ,taasina waa khalad.
8)   Dadka qaar ayaa yidhaaha suxuuran mayno oo casheeya uun taasina waa khalad waayo suxuurtu waa barako.
9)   Dadka qaarkood ayaa waagu intaanu beryin sii suxuurta 3 saac ama 2 saac ka hor taasina waa khalad waxaa haboon inuu suxuurta dib u dhigto sida xabiibkeenu scw ina faray.
10)                Suxuurta in timir lagu daraa waa sune sida Rasuulku sheegay hadii aad heli karto timir ood iska dayso waa khalad.
la soco 10 khalad oo ku xiga oo dadku sameeyaan Ramadaan kana digtoonow
Qalinkii Hussein Jama Guudcade
diintuwaanasteexo1@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here